Somaliska

Waddada lagu gaarayo – in Swiidhan guri lagu iibiyo iyo in laga iibsado

In guri la iibsado ama la iibiyo badanaa waa waxa nolosha ugu weyn ee la sameeyo, in la fahmo dhammaan sida ay wax u dhacayaanna waxay noqon kartaa arrin adag. Halkan waxaannu dooneynaa in aannu kuu fududeyno sidii aad si sax ah ugu dhex dhaqdhaqaaqi lahayd suuqa guryaha ee swiidhishka iyo in aannu kuu abuurno duruufo aamin ah oo guri iibsasho.

Waxaannu xitaa fursad u heysannaa in aannu kugu soo xirno turjumaan gacan kaa siin kara waqtiyada muhiimka ah ee iibsashada guriga. Fadlan la xiriir mid ka mid ah xafiisyadeenna.

Cinwaannada hoos ku qoran hoostooda ayaannu ku bixineynaa sawir wax tilmaamaya oo ku aaddan suuqa guryaha Swiidhan, waxaannuna ku sharraxeynaa sida hannaanka guri iibsashadu u egyahay.

Qaababka degaanka ee Swiidhan

Doorka dallaalka

Diyaar-garow guri iibsashada ka hor

Guri tusitaanka

Baaritaan iyo koontaroolid

Beec dul dhigid

Heshiiska

Waqtiga u dhexeeya heshiiska iyo guri u wareegidda.

Maalinta guri u soo wareegidda

Maxaa guriga ka mid ah

Haddii sidaas oo ay tahay ay wax khaldamaan

Guryo cusub - hagida iibsiga guryaha la badh-iibsado

Lix talooyin oo degdeg ah oo ku aaddan wadda – guriga

• Suuqa guryaha iyo heerarkiisa qiimaha ka hel sawir wanaagsan – Wax ka hel tirakoobka iyo xayeesiinta guryaha ee tusaale ahaan Hemnet.se, Maklarstatistik.se ama xafiisyada dallaalka bogaggooda intarneetka.

• Hubi in aad heshid ballan qaad qoraal ah – Xagga maalgelinta guriga iyo xeerarka Swiidhan ka shaqeynaya kala hadal bangiyo kala duduwan.


• Tag tusitaanno guryo oo fara badan – Booqo aagag deegaan oo kala duduwan, tagna tusitaanno fara badan si aad fikir uga heshid halka aad dooneysid in aad degtid iyo tilmaamaha aad dooneysid in uu gurigaaga mustaqbalku lahaado.


• Xasuusnaw in beec dul dhigid aysan qofka xireynin iyo in aysan waxba dhammaannin inta iibsadaha iyo iibiyaha labaduba aysan heshiiska saxiixin.


• Su’aalo fara badan dallaalka weydii, kana faa’iideyso aqoontiisa – Dallaalka Swiidhan waxaa isticmaala iibiyaha laakiin wuu dhawrayaa xitaa iibsadaha danihiisa.


•Ha illoobin in aad baaritaan ku sameysid deegaanka – Swiidhan waxaa iibsadaha dul saaran waajib aad u weyn oo ah in uu wax iska baaro. Si sugan u baar guriga aad dooneysid in aad iibsatid, adeegsana haddii loo baahdo qof wax koontaroola. Haddii aad qorsheyneysid in aad iibsatid guri lahaansho qeyb ahaaneed ah waxaa xitaa muhiim ah in aad baartid dhaqaalaha ururka.